Ciidamada Jabhadda Mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Galgaduud waxay maanta weeraro qaraxyo iyo dagaallo toos ah ku qaadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa duleedka magaalada Dhuusa-Mareeb.
Sida ay wararku sheegayaan waxay weeraradan maanta ka dhaceen duleedka koonfureed ee magaalada Dhuusamareeb halkaas oo lagu weeraray askar ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Ridada Farmaajo.
Maleeshiyaadka weerarka la kulmay ayaa lagu soo waramayaa in si xun loogu jebiyay weerarada askar iyo gaadiid na looga gubay goobihii ay dagaalladu ka dhaceen.
Inta la ogyahay waxaa weeraradan lagu dilay 3 askari oo uu ku jiray sarkaal sare, iyo dhaawac 8 kale, kuwaasi oo ka mid ahaa maleeshiyaadkii weerarada la kulmay.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in qaraxyadii lala eegtay maleeshiyaadka murtadiinta lagu burburiyay gaari Cabdi Bile ah oo ay lahaayeen maleeshiyaadka Dowladda Ridada.
Dhuusa-Mareeb waxay muddooyinkii u dambeeyay marti gelinaysay weeraro xiriir ah oo kaga imanayay ciidamada Mujaahidiinta Al-shabaab waxaana weraradan ay ku biirayaan weeraro maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan loogu qaaday fariisimaha maleeshiyadka Jabuuti iyo kuwa kooxda Ridada Somalia ay kaga suganyihiin magaaladaas.
Calamada.com