Maxkamadda ku dhaqanka shareecada islaamka ee wilaayada Jubbooyinka ayaa gelinkii dambe ee shalay fulisay xukun ka mida xuduuda Allaah kaasi oo lagu fuliyay nin saaxir ahaa oo ku shaqaysan jiray sixirka.
Maxkamadda islaamiga waxaa la horgeeyay nin lagu magacaabi jiray Axmed Kuusane oo ahaa nin saaxir ah oo muslimiinta ku dhibi jiray sixirka waxaana saaxirkan ay Mujaahidiintu kasoo qabteen deegaanka Garasey Kuusa oo ka tirsan mandiqadda Joorre ee wilaayada Jubbooyinka.
Kumannaan ka mid ah dadwaynaha ku dhaqan degmada Jilib iyo deegaannada ku dhow dhow aya soo xaadiray fagaaraha uu xadku ka dhacayay oo ku yaal degmada Jilib si ay u daawadaan xukunkaasi ka midka ah xuduuda Allaah.
Axmed Kuusane Xasan waxa uu maxkamadda islaamiga ka hor qiray in uu ahaa sixiroole sixir ku dhibaateeyay qoys muslimiin aroos ah ah oo ku dhaqan deegaan ka tirsan deegaan waynaha Joorre.
Qaadiga maxkamadda islaamiga ah ayaa fagaaraha ka hor akhriyay xukunka dilka ah ee lagu fuliyay saaxirka waxaana uu qaadigu sheegay in ninka saaxirka ahaa uu sixray qoys aroos ahaa, waxaana ay maxakamaddu ku ridday xukun Ridda oo dil ah fagaaraha ayaana lagu toogtay.
Halkan Ka Dhagayso Xukunka Maxkamadda Islaamiga Ah.
Calamada.com