Boqollaal ka mida dadwaynaha ku dhaqan degmada Ceel-cali ee wilaayada Hiiraan ayaa soo xaadiray fagaare wayn oo ku yaal duleedka magaalada halkaasi oo uu ka dhacayay xad ka mida xuduuda Allaah kaasi oo uu fuliyay nin gacan ku dhiigle ahaa oo horay dil ugu geystay qof kale oo muslim ah.
Xukunku waxa uu ahaa mid qisaas ah waxaana ay maxkamadda wilaayada Hiiraan saacadihii lasoo dhaafay ku fulisay gacan ku dhiigle lagu magacaabi jiray Xassan Aadan Cali oo horay deegaan hoos taga degmada Ceel-cali ugu dilay nin kale ooo muslim ah oo lagu magacaabi jiray Xassan Cismaan Ibraahim.
Waliyu dambka horay looga dilay Xassan Cismaan Ibraahim ayaa u dacwad tagay maxkamadda islaamiga degmada Ceel-cali ee wilaayada Hiiraan iyagoo maxkamadda ka codsay in ninkaasi loo marsiiyo shareecada islaamka laguna fuliyo xad qisaas ah.
Qaadiga maxkamadda islaamiga ah oo fagaaraha ka akhrinayay xukunka ayaa sheegay in ehelka ninkii horay loo dilay ay hor dhigeen inay kala doortaan cafis, diyo, iyo inay u qisaasaan ninkii horay looga dilay, waxayna waliyu damku dalbadeen in loo qisaaso.
Fagaaraha waxa ugu dambayn lagaga dhawaaqay xukunka qisaas-ta ah ee kasoo baxay maxkamadda wilaayada islaamiga Hiiraan goobta ayaana lagu qisaasay ninkii horay dilka u gaystay.
Halkan Ka Dhagayso Xukunka Maxkamadda Islaamiga Ah.
Calamada.com