Dowladda waddanka Kuweyd ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in uu geeriyooday hoggaamiyihii dalkaasi ninka lagu magacaabi jiray Sabaax Al-axmad Al-jaabir kaasi oo inbadan hayay talada dalkaasi.
Sabaax oo ahaa 91 jir ayaa gelinkii dambe ee shalay ku dhintay cisbitaal ku yaal gudaha dalka Maraykanka halkaas oo uu muddooyinkii dambe ku xanuunsanayay, waxaana maalmo ka hor inta uusan dhiman lagu sameeyay qalliin.
Waxa uu talada dalka la wareegay sannadu markay ahayd 2006-dii isaga oo horay na usoo noqday wasiirkii arrimaha debadda ee dalkaasi Kuwayd.
Daaqigan halaagsamay waxa uu ka mid ahaa madaxda Carbeed ee safka hore kaga jiray dhibaatada ka dhanka ah shucuubta carbeed waxaana uu ninkani caan ku haa damcminta saliibiyiinta Maraykanka.
Taariikhda lagu xasuusto waxaa ka mid ah in sannadkii 2015-kii uu ciidmadiisa ku daabulay dalka Yeman qaybna kaga dhigay isbahaysiga uu hoggaaminayo Sucuudiga ee dullaanka ku qaaday dadka reer Yeman.
Sabaax waxa uu ahaa nin ay si aada isugu dhowyihiin madaxwynaha saliibiyiinta Maraykanka gaalka lagu magacaabo Donald Trump waxaana xusid mudan in dhawan daaqigan halaagsamay uu madaxwynaha dalkaasi guddoonsiiyay billad dhanka Millatariga ah.
Hoggaamiyahan waxa uu kaalin wayn kulahaa dhibaataynta uu maraykanku ku hayo shucuubta Carbeed, isagoo saldhigyo millatari siiyay dowladda Maraykanka halkaas oo ay ciidamada saliibiyiinta Maraykanka ka qaadi jireen duullaannada ka dhanka ah shucuubta Carbeed sida Suuriya iyo Ciraaq iyo sidoo kale dalka Afghanistaan ee ku yaal qaaradda Aasiya.
Saacadaha soo socda waxaa lagu wadaa in dalkaasi uu yeesho hoggaamiye cusub kaasi oo ah dhaxal sugihii dalkaasi ninka lagu magacaabo Nawaaf Al-axmad Al-jaabir kaasi oo si hoose u maamuli jiray talada dalkaas.
Sida ay shaacisay dowladda dalkaasi waxa uu uu dalka Kuweyd gali doonaa 40 maalmood oo baroordiiq ah kaasi oo loo samayn doono hoggaamiyihii caanka ku ahaa dhibaataynta shucuubta carbeed.
Calamada.com