Ciidamo aad u qalabaysan oo ka tirsan xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanno muhiim ah oo hoos taga magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud.
Wararku waxay sheegayaan in ciidamada Mujaahidiintu ay gudaha u galeen illaa 2 deegaan oo hoos taga magaalada Dhuusa-mareeb halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka loogu yeero maamulka Ridada Galmudug.
Deegaannada ay Mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay la wareegeen waxa ka mida deegaannada Barkhadle iyo Siinka-dheer oo ku yaal waddada laamiga ah ee xiriirisa degmooyinka Dhuusa-mareeb iyo Guriceel.
Ilo dhanka deegaanka ah ayaa sheegaya in markii ay Mujaahidiintu gudaha u galeen deegannadaas ay fagaareyaal ku yaal tuulooyinkaasi uga muxaadareeyeen dadka deegaanka waxaana halkaasi Mujaahidiiinta kusoo dhaweeyay dadka deegaanka.
Deegaannadan ay shalay Mujaahidiintu la wareegen waxay kusoo beegamayaan wakhti maalmihii lasoo dhaafay ay Mujaahidiintu sare u qaadeen howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka dowladda Ridada ee ay ka fulinayaan deegaannada dhaca duleedka Dhuusa-mareeb.
Calamada.com