Wararka ka imaanaya gobolka shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in maanta qarax xoog leh oo khasaare kala duwan dhaliyay uu ka dhacay qyabo ka mida gobolkaasi shabeellaha dhexe.
Qaraxa oo ahaa mid xooggan waxay Mujaahidiintu la beegsadeen gaari cabdi bile ah oo ay ka buuxeen askar ka tirsan maleeshiyaadka dowladda Ridada xiili uu marayay duleedka degmada Balcad.
Sida ay sheegayaan ilo masuul waxaa qaraxaasi ku basbeelay gaarigii Cabdi bilaha ahaa ee qaraxa uu haleelay waxaana sidoo kale qaraxa ka dhashay khasaare kala duwan oo maleeshiyaadka gaaray.
Weerarkan qaraxa ah waxa uu kusoo beegamayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay ay Mujaahidiintu weerar xooggan ku qaadeen saldhigga ciidamada kuffaarta Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ilbakh oo ku yaal inta u dhaxayso Jowhar iyo Balcad.
Calamada.com