Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan waxey weerar culus la beegsadeen saldhig ciidan oo ku yaala Konfurta dalka Afghanistan kaasi oo khasaara culus lagu gaarsiiyay xukuumadda daba dhilifka Kaabul.
Howlgalkan oo ku bilowday qarax culus oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo si amni ah loo galiyay gudaha saldhig ciidan oo ku yaala degmada Maywand ee gobolka Qandahaar.
Qaraxa kadib waxaa saldhiga gudaha u galay rag ingimaasiyiin ah oo ka tirsan katiibada Istish-haadiyiinta Mujaahidiinta Dhaalibaan.
Inta la xaqiijiyay waxaa howlgalkaas dhimasho iyo dhaawac ku noqday (70) Todobaatan isugu jirta saraakiil iyo askar ka tirsan Ridada Kaabul tiro gaadiid ahna waa lagu gubay sidoo kale waxaa inta badan burburay dhismihii uu ka koobnaa saldhiga la weeraray.
War rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada Islaamiga Afghanistan ayeey imaaradu ku xaqiijisay in raggii ingimaasiyiinta ee saldhiga gudaha u galay ay soo wada laabteen iyagoo bad qaba.
Howlgalkan culus waxa uu kusoo aadayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay weerar Mujaahidiinta Dhaalibaan ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Wilaayada Helmand ee isla Konfurta Afghanistan ku dileen 18 isugu jirta saraakiil iyo askar ka tirsan xukuumadda Kaabul waxeyna ku dhaawaceen toban kale.
Calamada.com