Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in qarax khasaare badan dhaliyay markale lala beegsaday ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ugu yaraan Lix askari oo Nyrtadiin ah ayaa ku dhintay waxaana ku jira kuwa qaraxan ku dhintay sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray Cali Qamadi, Waxaa gaariga qaraxa lala beegsaday iska lahaa gudoomiyaha maamulka Ridada ugu magacaaban degmada Balcad.
Wararkii ugu dambeeyay waxey xaqiijinayaan in gabi ahaanba uu burburay gaariga qaraxa lagu beegsaday balse waxaa la sheegay in guddoomiyaha degmada Balcad Murtad Qaasim Cali Nuur uusan gaariga la socon xilligii uu qaraxu dhacayay.
Deegaanka Basra oo maalmo ka hor ay qabsadeen ciidamo huwan ah waxaa ka socda weeraro isdaba joog ah oo lagu dilay askar farabadan, ciidamo American ah oo wata gaadiid gaashaaman dusha sarane ay ka taageerayaan diyaaradaha Drone-ka loo yaqaan ayaa dhaq dhaqaaqyo ka sameeyay deegaanno 7Km ujira degmada Balcad.