Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar dhabba gal ah u dhigeen maleeshiyaat ka tirsan maamulka isku magacaabay Konfur Galbeed.
Maleeshiyaatka Murtadiinta ee kamiinka loo dhigay ayaa iyagoo lug ah waxey kasoo kala baxeen degmada Baydhabo iyo deegaanka Daynuunaay ee gobalka Baay.
Wararkii ugu dambeeyay waxey xaqiijinayaan in weerarkaas lagu dhaawacay sarkaal sare iyo saddex askari oo ka mid ah maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka isku magacaabay Konfur Galbeed.
Sarkaalka murtadka ah ee kamiinka lagu dhaawacay ayaa lagu magacabaa Isxaaq Shamow kaasi oo la xaqiijiyay in dhaawacisa daran yahay.
Weerarkan dhabba galka ah ee ka dhacay duleedka Baydhabo ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada Mujaahidiinta ee ka howlgala Wilaayada Baay iyo Bakool sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah Kufaarta Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaatka kabo qaadka u ah Amxaarada.
Calamada.com