Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaare badan dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Beledwayn ee xarunta gobolka Hiiraan kaasi oo lagu beegsaday askar ka tirsan maleeshiyaadka dowladda Ridada.
Ciidamo ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerarkan ku beegsaday maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta xilli ay ku sugnaayeen goob isku imaatin ah oo kutaal gudaha magaalada Beledwyne.
Ilo masuul ah waxay xaqiijinayaan in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 6 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadkii murtadiinta ee weerarka la kulmay, suuragal na ay tahay in uu jiro khasaare nafeed.
Magaalada Beledwayne waxa marar badan ka dhacay weeraro kala duwan oo isugu jira dilal qorshaysan, qaraxyo iyo dagaallo toos ah kuwaasi oo lagu naafeeyay maleeshiyaadka maamulka isku magacaabay H/shabeelle.
Calamada.com