Khasaare laxaad leh ayaa dhabarka loo saaray maleeshiyaadka xukuumadda Ridada Kaabul ka dib weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay waqooyiga Afghanistan.
Sida ay baahisay warbaahinta Imaarada islaamiga waxay ciidamada Mujaahidiintu iska caabin xoog leh kala hortageen weerar ay Maleeshiyaadka xukuumadda Ridada kaabul ku qaadeen Mandiqadda Baghaawi oo ka tirsan wilaayada Serbal ee waqooyga dalka Afghanistan.
Inta la xaqiijiyay waxaa weeraradaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqday 44 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka xukuumadda Ridada Kaabul waxaana sidoo kale lasoo sheegayaa in weerarkaasi lagu gubay gaadiid dagaal.
War rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay 20 askari oo ay ku jiraan saraakiil iyo dhawaca 24 kale.
Wararku waxay intaa ku darayaan in weeraradaas lagu soo furtay hub iyo saanad millatari oo goobihii lagu dagaallamay ay kaga carareen maleeshiyaadka xukuumadda Ridada ee Kaabul.
Calamada.com