Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weeraro culus oo isugu jira dagaallo toos ah iyo kamiin ka kala fuliyeen qeybo ka mid ah wilaayaatka dalka Somalia.
Weeraradan waxey ka kala dhaceen gudaha iyo duleedyada degmooyinka Kismaayo, Afmadow, Baraawe, Jannaale, Awdheegle iyo degmada Qansaxdheere kuwaas oo ka kala tirsan wilaayaatka Jubbooyinka, Shabeelada hoose iyo Baay iyo Bakool.
Dhanka Wilaayada Jubbooyinka dagaal culus uu labada dhinac ku dhaxmaray gudaha Afmadoow waxaana la maqlayay daryanka rasaas aad uxooggan oo labada dhinac isdhaafsanayeen.
Dhinaca kale weerar shalay gelinkii dambe lagu qaaday ciidamo ku socdaalayay deegaanka Yoontooy ee duleedka Kismaayo ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan hal askari lagu dilay weerarka, dagaalyahanada Al Shabaab ayaa rasaas huwiyay gaari Tiknika ah oo wadada laamiga ah ku socdaalayay waxayna rasaastaasi haleeshay askari kaasi oo meydkiisa wadada lagu arkay.
Dhanka Shabeelada hoose ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo maleeshiyatka Murtadiinta ayaa lagu weeraray degmooyinka Jannaale, Awdheegle iyo duleedka degmada Baraawe, Waxaa Gaalada iyo Ridada soo gaartay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed.
Dhanka Wilaayada Baay iyo Bakool waxey ciidamada Mujaahidiinta weerar culus ku qaadeen saldhig maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka Amxaaro kalkaalka ah ee isku magacaabay Konfur Galbeed ay ka sameysteen Suuqa xoolaha degmada Qansaxdheere waxaana maleeshiyaatkaas Murtadiinta ah iyaguna soo gaartay khasaara kala duwan.
Calamada.com