Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo ka dhacay qeybo ka mid ah magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.
Rag hubaysan ayaa maanta duhurkii xaafadda Tusbaxle ee degmada Dayniile ku dilay mid ka mid ah Ergadii wax kasoo dhisay maamulka Ashahaado la dirirka ah ee isku magacaabay ‘Jubbaland’.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in rag hubaysan ay toogteen Aadan Kali oo kamid ahaa xubnihii firfircoonaa ee waxkasoo dhisay maamulka Axmed Madoobe.
Ragga dilka geystay ayaa si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqay, Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka ka dhacay degmada Dayniile.