Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday maleeshiyaad katirsan maamulka ‘Jubbaland’ iyo ciidamada Kenya.
Xalay saqdii dhexe ayay xoogaga Al Shabaab weerar ku qaadeen guri uu deganaa guddoomiyaha deegaanka Hoosingoow ee xuduud beenaadka dhaca.
Sida wararku sheegayaan guddoomiyaha laweeraray ayaa si dirqi ah isku day dil uga badbaaday balse waxaa dhaawacmay sedax kamid ah ciidamadii ilaalada u ahaa.
Dhinaca kale xoogaga jihaadiga ah ayaa weerar culus ku qaaday saldhigga ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Taabto ee duleedka degmada Dhoobleey.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiic iyo rasaas ay labada dhinac isdhaafsanayeen.
Dhanka Shabeelada hoose Iyo Hiiraan weeraro isugu jira qarax iyo dagaal toos ah waxey ciidamada Mujaahidiinta ka fuliyeen gudaha magaalada Beledweyne iyo duleedka degmada Baraawe waxaana howlgaladaas dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro askar Murtadiin ah waxeyna Mujaahidiinta soo ganiimeysteen qori iyo boosh.