Bulshada ku nool wilaayaadka Islaamiga ah ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay naftooda ku bixinayaan difaaca Sharafta Nabiga SCW.
Dadwaynaha ku nool degmada Jilib ee wilaayada Jubbooyinka ayaa si aan kala har lahayn ugu soo baxay fagaaraha wayn ee macallin Aadan Xaashi Cayrow iyagoo si caro leh usoo bandhigay dareenkooda ku aadan aflagaadadii loo gaystay Nabi Maxamed SCW.
Isku soo baxyada ka dhacaya wilaayaadka Islaamiga ah ayaa wax badan uga duwan kuwa ay dhigayaan Muslimiinta kale ee ku hoos nool gaalada iyo Murtadiinta, sababtoo ah wilaayaadka kama jirto gaal ama murtad is hortaagaya dadka caraysan, sidoo kale dadka wilaayaadka joogaa waxay xor u yihiin in ay fagaaraha hubkooda usoo qaataan oo saacadda ay rabaan furinta ay tagaan, soona aargutaan.
Sheekh Abu Cabdallah waaliga wilaayada Jubbooyinka oo ka mid ahaa masuuliyiintii goobta ka hadlay ayaa isagoo qorigiisa jeeniqaaran bulshada u sheegay, in isku soo bax kali ahi aanu ku filnayn gaalada Nabiga caysay , isla markaana loo baahanyahay in dhammaan qoryaha lasoo wada qaato.
Halkan ka dhagayso Jawaabtii dadwaynaha Jilib.
Daawo Sawirrada: