Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weeraro hubaysan oo ka dhacay magaalada Vienna ee caasimadda dalka Austria.
Saraakiisha booliska ayaa sheegay in dhowr weerar oo loo adeegsaday rasaas ay ka dhaceen xaafado katirsan magaalada Vienna islamarkaana ay socdaan baaritaanno.
Ugu yaraan Labo qof ayaa laxaqiijiyay in lagu dilay weerarka halka 15 kale ay dhaawacyo soo gaareen, wasiirka arrimaha gudaha Austria ayaa lagasoo xigtay isagoo leh ‘waxaan lakulanay weerar Argagaxiso’.
Wararka ayaa intaas ku daraya in weerarka ugu xooggan uu ka dhacay meel ku dhow macbad ay jaaliyadda Yahuudda ku leeyihiin magaalada caasimadda ah ee Vienna,.
Dalka Austria ayaa kamid ah wadamada qaaradda Yurub ee aan looga baran in ay weeraro ka dhacaan wuxuuna dalkaan martigeliyaa shirarka waaweyn ee ay yeeshaan madaxda Ururka Midowga Yurub balse weerarkan ayaa kedis ku noqday saraakiish sirdoonka ee wadankaasi.