Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya ee dhaca Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada cirka Kenya ay markale duqeeyeen deegaanno gobolkaas katirsan.
Sida ay wararku sheegayaan diyaarado dagaal oo Kenya ay leedahay ayaa duqeymo ba’an ka geystay deegaanka Dhamase halkaas oo ay ku laayeen xoolo isugu jira Geel iyo Ari.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen dhowr qarax oo ka dhashay madaafiic ay diyaaradaha Kenya ku rusheeyeen deegaanka Dhamase ee dhaca xuduud beenaadka.
illaa iyo hadda lama sheegin khasaara dhimasho iyo dhaawac oo shacabka kasoo gaaray duqeymahan aan kala sooca laheyn ee melleteriga Kenya ay ka geysanayaan gobolka Gedo.