Wararka ka imaanaya gobolka Mandheera ee ka mid ah dhulka NFD ee ku jira gumeysiga dowladda Kenya ayaa ku waramaya in howlgal gaar ah oo ka dhacay halkaas lagu dilay askari katirsan ciidamada Dowladda Kenya.
Askariga howlgalka gaarka ah lagu dilay waxaa lagu magacaabaa Cabdi Nuur, waxaana lagu dilay deegaan lagu magacaabo Caliyaale oo hoostaga Mandheera.
Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fuliyay weerarka, waxaana howlgalka kadib ay goobta uga dhaqaaqeen si nabad geliyo ah.
NFD waxaa ka howlgala guutooyin katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo beegsada ciidamada Kenya iyo askarta Soomaalida ah ee la shaqeeya.