Wararka ka imaanaya wadanka Ereteriya ayaa sheegaya in qaraxyo xooggan ay ka dhaceen magaalada caasimadda ah ee Asmara.
illaa 6 gantaal ayaa ku dhacay gudaha iyo hareeraha caasimadda dalka Eereteriya sida ay sheegeen dad goobjoogaal ah iyo diblumaasiyiin ku sugan Ereteriya.
Jugta dhowr qarax ayaa xalay fiidkii laga maqlay garoonka diyaaradaha Asmara iyo dhismaha wasaaradda warfaafinta, sarkaal u hadlay dowladda Ereteriya ayaa xaqiijiyay in weerar sawaariikh ah ay lakulmeen balse wuxuu beeniyay in khasaara xooggan uu ka dhashay weerarada.
Jabhadda Xureynta shacabka Tigreega ee loo yaqaan TPLF ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarada sawaariikhda ah ee lagu qaaday magaalada Asmara.
Afhayeen uhadlay TPLF ayaa sheegay in weerarkan uu jawaab celin u yahay ku lug lahaashiyaha Ereteriya ee duullaanka ay ciidamada Itoobiya kusoo qaadeen gobolka Tigray ee dhaca waqooyiga wadankaasi.
Habeen hore ayay aheyd markii sidaan oo kale ay TPLF weeraro sawaariikh ah ugu qaaday magaalooyinka Amxaarada ee kala ah Bahardar iyo Gonder.