Maxkamadda ku dhaqanka shareecada islaamka ee wilaayada Hiiraan waxay fulisay xad ka mid xuduuda Allaah kaasi oo ahaa xaddu Sariqah ama (Gacan goyn) waxaana uu ka dhacay deegaan ka tirsan wilaayada Hiiraan.
Idiris Shiikh Xuseen oo da’diisu tahay 23 jir ayaa lagu soo oogay in uu fal xatooyo ah ka gaystay qaybo ka mida gobolka Hiiraan waxaana lagu eedeeyay in uu xaday qori nooca (Kaarabiinka) loo yaqaan iyo 10 baalooto oo rassaas ah, waxayna maxkamaddu ku xukuntay in laga jaro gacanta midigta ah.
Xadku wuxuu ka dhacay deegaanka Booco ee dhaca bariga wilaayada islaamiga Hiiraan waxaana fagaaraha soo buuxdhaafiyay dadwayne fara badan kuwaasi oo usoo daawasho tagay fulinta xadka.
Mid mida quddaada maxkamadda ku dhaqanka shareecada islaamka ee wilaayada Hiiraan ayaa goobtii fagaaraha ku faahfaahiyay eedda eedaysanaha iyo xukunka maxkamdda islaamiga ah.
Halkan Ka Dhagayso Xukunka Maxkamadda Islaamiga Ah.
Calamada.com