Wararka ka imaanaya wilaayada Jubbooyinka waxey xaqiijinayaan in ciidnka Mujaahidiintu howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen duleedka deegaanka Qooqaani kaasi oo faahfaahin laga helayo.
Howlgalkan qorsheysan waxey Mujaahidiintu ku dileen askari ka tirsanaa maleshiyaatka maamulka Ashahaado la dirirka isku magacaabay Jubbo land.
Askariga Murtadka ah ee weerarkan qorsheysan lagu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Garaad Cabdi Risaaq waxeyna ciidanka Mujaahidiinta horay usii qaateen qori iyo boosh uu ku hubeysnaa askariga ay dileen.
Dilkan ayaa kusoo aadaya xilli maanta ciidanka Mujaahidiintu weerar qorsheysan la beegsadeen maleeshiyaatka Murtadiin ah oo dhaqdhaqaaq ka waday deegaanka Baar-sanguuni.
Habeenkii xalay ayeey aheed markii ciidamada Mujaahidiintu dagaallo culus oo saf ah ay ku qaadeen saldhigyada Kufaarta iyo kuwa Murtadiinta ay ka kala sameysteen deegaanada iyo degmooyinka Baardheere, Xudur, Qoryooley, Jannaale, Siinka dheer, Sabiid iyo Arbacow oo ka kala tirsan wilaayaatka Gedo, Shabeelada hoose iyo Baay iyo Bakool.
Calamada.com