Xukuumadda Shiicada Iiraan ayaa war cusub kasoo saartay dilkii iqtiyaalka ahaa ee lagu fuliyay Muxisn Fakhrizaadah oo ahaa saynisyah iiraan ah oo mas’uul ka ahaa saamaynta hubka Nukliyeerka xukuumadda Tehraan.
Taliye ku xigeenka Ilaalada Kacaanka ciidamada Iiraan Baabaru ayaa shaaca ka qaaday in dilkii loo geystay saynisyahankii Iran ninka lagu magacabi jiray Muxsin Fakhrizadah lagu fuliyay aalado casri ah oo dayax gacmeedyadu gacanta ku hayaan, iyadoo aysan jirin weerar iqtiyaal ah oo rag hubeysani fuliyeen.
Wuxuu intaas ku daray in howlgalka iqtiyaalka lagu fuliyay qori kuwa darandooriga u dhaca ah oo uu xakameeyo dayaxgacmeedka, isagoona beeniyay ama waxba kama jiraan ku tilmaamaya wararka sheegaya in ay weerarka fuliyeen rag hubeysan oo weerarka ku dilay Fakhrizaadah.
13 xabadood ayuu sheegay in la huwiyay gaarigii uu la socday taliyaha islamarkana ay 3 xabadood ku dhacday saynisyahanka halka qaar kalena la hubiyay oo ay ku dhinteen ilaalada sarkaalka oo lagu sheegay inay ahaayeen 13 waardiye.