Taliska ciidanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyay weerarii saraakiisha badan lagu dilay ee shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Sheekh C/caziiz Abuu Muscab afhayeenka ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa shir jaraa’id ku sheegay in saraakiisha lalaayay ay galeen dambiyo ay kamid yihiin Argagax gelin shacab iyo ladagaallanka Shareecada Islaamka.
Jeneraal Qooje Dagaari ayaa ku eedaysnaa in uu gurmad ufidiyay Cabdi Cali Cilmi Yare ninkii Nabinimada sheegtay ee sanaddii 2019 lagu weeraray waqooyiga Gaalkacyo.
Gaashaanlle Mukhtaar ayaa isna mas’uul ka ahaa falal argagax gelin ah oo lagu hayay shacabka muslimiinta ee ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaalada Gaalkacyo.
Halkan Ka Dhagayso Shirka Jaraa’id Ee Shiikh Abuu Muscab.
Calamada.com