Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weeraro kala duwan ku qaaday saldhigyo ciidan oo ciidamada kuffaarta afrikaanta iyo maleeshiyaadka murtadiinta ay ka samaysteen wilaayaadka islaamiga Hiiraan iyo Shabeellaha hoose.
Weerarka hore oo ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxay ciidamada Mujaahidiintu ku weerareen saldhigga maleeshiyaadka Ridada Jabuuti ee Hiil gaalo ay ka deganyihiin galbeedka magaaladaas.
Khasaare kala duwan ayaa lasoo wariyay in uu weerarka ku gaaray maleeshiyaadka murtadiinta Jabuuti ee ku sugan Beledweyne waxaana uu weerarkan qayb ka yahay weerarrada shabaabul Mujaahidiin ku dhiigbixinayaan maleeshiyaadka murtadiinta iyo ciidamada kuffaarta Africanta ee duullaanka ku jooga gobolka Hiiraan.
Dhanka shabeellaha hoosena waxay ciidamada Mujaahidiintu weeraaro xooggan oo la isku soo noqnoqday ku qaadeen saldhigga ciidamada kuffaarta Yugandha ay ka deganyihiin deegaanka Arbacow ee wilaayada shabeellaha hoose.
Dagaallada oo ahaa kuwa la isku soo noqnoqday illaa iyo labo mar ayay ciidamada Mujaahidiintu khasaare kala duwan ku gaarsiyeen kuffaarta Yugandha ee ku sugan deegaanka Arbacow ee duleedka magaalada Muqdisho.
Calamada.com