Cabuqa ilma aragtada ah ee Covid-19 ayaa halaag ba,an ka gaysanaya dalka Kenya ee dhaca bariga qaaradda tani ee Africa isagoo ugaarsi ba’an ku haya saraakiisha iyo masuuliyiinta dowladda saliibiyadda ah ee Kenya.
John Nyagarama oo ahaa guddoomiyihii Kenya ee ismaamul goboleedka Nyamira ayaa u geeriyooday caabuqa sida fudud ku faafa ee Covid-19 kaas oo in muddo ahba la xanuunsanaa cudurka.
War rasmi ah oo kasoo baxay dowlada saliibiyada Kenya ayaa lagu sheegay in John Nyagarama oo ahaa 74 sanno jir uu maalmo ka hor ku geeriyooday Cisbitaalka Hospital Nairobi oo kuyaal gudaha caasimadda, ka dib markii uu soo ritay xanuunka Covid-19.
Dowladda kaafridda ah ee Kenya ayaa shaacisay in dabayaaqada todobaadkan masuulka Kenyanka ah aas qaran loogu samayn doono gudaha dalkaasi Kenya, waxaana xusid mudan in gaalkan cudurka u halaagsamay uu ahaa nin aad ugu dhow madaxwaynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta.
Uhuru Kenyatta ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Nyagarama waxaana uu sheegay in uu ka baxay tiir wayn oo la dhabar u ahaa dowladdiisa.
Calamada.com