Maxkamadda ku dhaqanka shareecada islaamka ee wilaayada Gedo ayaa shalay fulisay xukun ka mida xuduuda Allaah kaas oo fagaare kuyaal degmada Ceel-cadde lagula fuliyay nin saaxir ahaa.
Saaxirka xukunka dilka ah lagu fuliyay waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Sidiiq Xuseen oo da’diisu ahayd 70 sanno jir wuxuuna ahaa nin saaxir ah oo muddo aad u fog kusoo jiray falkan kuna dhibaatayn jiray dadka muslimiinta ah.
Boqollaal dadwayne ah ayaa isugu soo baxay fagaaraha uu xadku ka dhacayay oo kuyaal magaalada Ceel-cadde ee wilaayada islaamiga Gedo waxayna dadku goob joog u ahaayeen fulinta xadkaasi.
Halkan Ka Dhagayso Xadka Saaxirka Maxkamdda Islaamiga Gedo.
Calamada.com