Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa tiro madaafiic ah oo maanta lagu garaacay xarunta madaxtooyada dowlada federaalka ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey Lix madfac ku garaaceen xarunta madaxtooyada kooxda ridada iyo xabsiga godka jilicow, Iyadoo jugta madaafiicda si aad ah looga maqlayay xaafadaha magaalada Muqdisho.
Madfac ku dhacay godka jilicow ayaa sababay dhimashada sarkaal ka tirsanaa minashiibiyada ridada kaasi oo lagu magacaabi jiray cabdi raxmaan.
Sidoo kale madfaca godka jilicow ku dhacay waxaa ku dhintay askari ka tirsanaa ilaalada godka jilicow waxaana xusid mudan in madaafiicda ku dhacay gudaha xarunta madaxtooyada ay sababeen khasaara kala duwan.
Calamada.com