Howlgal qorsheysan oo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ka fuliyeen gudaha magaalada Muqdisho waxey ku dileen mid ka mid ah ergooyinkii soo xulay xildhibaanada federaalka.
Dilkan waxa uu sigaar ah uga dhacay degmada Kaaraan ee Muqdisho waxaana lagu dilay Cabdi llaahi Ciise Hilowle oo ka mid ahaa ergadii soo dhistay xildhibaanada kooxda ridada federaalka gaar ahaan kuwa laga soo doortay dhanka maamul gobaleedka ashahaado la dirirka ah ee isku magacaabay hirshabeelle.
Ninkan ka mid ahaa ergada ee lagu dilay degmada Kaaraan waxa uu sidoo kale ahaa nin sixiroole ah oo caan ku ahaa sixirka isagoona dad badan horay u sixray.
Magaalada Muqdisho waxey mujaahidiintu kusii kordhiyeen weerarada ay ku dilayaan saraakiisha iyo askarta ka tirsan dowlada federaalka.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.