Dagaallo culus ayaa caawa fiidkii ka qarxay xaafado muhiim ah oo dhaca bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa degmooyinka Waaberi iyo Hodon, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamo daacad u ah Farmaajo ay weerar ku qaadeen guriga Musharax Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur.
Goob jooge ku sugan KM4 ayaa xaqiijiyay in uu arkay ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka oo dhaxdooda dagaallamaya.
Gurmadyo ciidan oo ay dhinacyadu udirayaan aagga dagaalka ayaa lagu arkayaa waddooyinka, isgoyska Dabka iyo degmada Waaberi ayay caawa fiidkii dagaalladu usoo wareegeen.
Dhinaca kale dagaalkii cuslaa ee gabal dhicii maanta ka qarxay isgoyska Mirinaayada degmada Cabdi Casiis ayaa kusoo idlaaday guuldarro dhabarka loo saariyay ciidamada Farmaajo.
Boqolaal askari oo ay kooxaha mucaaradka soo geliyeen gobolka Banaadira ayaa sare usii qaaday xiisadaha colaadeed waxaana muuqata in dowladda Farmaajo ay ku fashilantay xakameynta mucaaradka kasoo horjeeda.