Magaalada Muqdisho waxey saaka ku waabariisatay jawi xoogaa yara dagan maadaama xalay ilaa iyo galinkii dambe ee shalay ay ka socdeen dagaallo culus oo u dhaxeeya askar kala taabacsan farmaajo iyo mucaaradka.
Dagaaladii xalay ka qarxay Km4, taleex, madaxtooyadii cabdi qaasim,isgoyska dabka iyo sayidka ayaa soo gaaray saqdii dhexe ee xalay, Waxeyna labada dhinac isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Inta dagaalada ay socdeen maleeshiyaat taabacsan mucaaradka waxey la wareegeen xarunta degmada howlwadaag walow markii dambe ay dib uga baxeen.
Abaabul labada dhinac ah waa maleeshiyaatka taabacsan murtad farmaajo iyo kuwa taabacsan musharixiinta murtadiinta ah ayaa laga dareemayaa magaalada waxaana suura gal ah in dagaalada dib u qarxaan.
Degmooyin ka tirsan gobalkan banaadir ayey shacabku bilaabeen iney ka barakacaan sababo ku aadan dagaalada oo laga cabsi qabo iney dib u qarxaan maadaama maleeshiyaatka labada dhinac ay xaafadaha magaalada isku sii fidinayaan.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.
Aad baan ugu xumahay dagaalka ka dhacay magalada muqdisho