Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weeraro fariid ah oo saacadihii lasoo dhaafay ay Mujaahidiintu ka fuliyeen gobollada Banaadir iyo Sh/hoose.
Kammiin xooggan oo galabta ay ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen inta u dhaxaysa degmooyinka Afgooye iyo Wallanwayn ee shabeellaha hoose ayaa khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka dowladda Ridada.
Inta la ogyahay waxaa weerarka jidgalka ah ku dhintay hal askari oo murtad ah halka sidoo kale ay dhaawacyo ku noqdeen 5 kale waxaana weerarkan lagu soo furtay gaari NOHO ah.
Dhanka kale howlgal qorshaysan oo saacadihii lasoo dhaafay ay Mujaahidintu ka fuliyeen magaalada Muqdisho ayay ku dileen mid ka mid ah masuliyiinta maamulka Ridada gobolka Banaadir.
Howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay degmada Dharkeeynley ee gobolka Banaadir ayay Mujaahidiintu ku khaarajiyeen murtad magaciisa lagu soo gaabiyay Idiris kaas oo ahaa madaxii arrimaha bulshada iyo wacyi galinta maamulka kooxda ridada ugu magacaaban degmada Dharkenley.
Calamada.com