Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan oo ah dhulka hooyada jihaadka casrigan waxey sheegayan in ciidamada Mujaahidiinta imaarada Islaamiga Afghanistan dagaal culus oo qaraxyo ku bilowday ku qaadeen magaalada Faarisi oo ka tirsan wilaayada Hiraat oo dhacda galbeedka dalka Afghanistan.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa dhowr jiha ka weeraray magaalada waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan iyo maleeshiyaatka maamulka Ridada Kaabul.
War rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada Islaamiga Afghanistan ayey imaaradu ku xaqiijisay in Mujaahidiintu gabi ahaan si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta magaalada Raayada Towxiidkana laga taagay bartamaha magaalada Faarisi.
Bayaanka Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa lagu xusay in dagaalka Mujaahidiintu ay kula wareegeen gacan ku heynta magaalada Faarisi lagu dilay 45 askari oo ah kuwa xukuumada Ridada Kaabul laguna gubay 8 gaari oo isugu jira noocyada kala duwan ee gaadiidka dagaalka.
Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ee la wareegay magaalada Faarisi waxey gacanta ku dhigeen guud ahaan keydii hubka ee saldhiga magaalada, Waxeyna la wareegidda Faarisi kusoo aadeysaa xilli ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan bilihii u dambeeyay ay isku sii fidinayeen deegaano hor leh oo ka tirsan dalka Afghanistan.