Hanka iyo himilada ku aadan inay Itoobiya hesho marin badeed ku xira caalamka intiisa kale, waa mid mashquuliyey maanka madaxdii soo martay dalkaas tan iyo quruuntii ay jirtay boqortooyada xabashida. Maadama uu dalkooda yahay mid aanan bad lahayn, wuxuu dhaqaalihiisu noqday mid fadhiid ah, sicir bararku sii laba kacleeynayo sanadba sanadka xiga sababo ku aadan badeecadda soo galeysa dalka oo ku timaado qiimo qaali ah maadama ay soo mareyso canshuurta dhowr wadan oo ay ku jiraan kuwa dekadahooda laga soo qaado.
Isagoo daba socda hanqaltaagii ku jiray Awooweyaashiisa, ra’isul wazaaraha hadda taliya haye ee Itoobiya, ninka lagu magacaabo Abiy Axmad, wuxuu dhowrjeer ku hadaaqay inay doonayaan inay dekado ka helaan xeebaha geeska Africa.
Bishii July ee sanadkan wuxuu Abiy Axmad ganacsato kasoo jeeda dalkiisa u sheegay inay dekad ka raadsan doonaan wadamada deriskooda ah, haddii ay tahay wada-hadal iyo haddii ay tahay qoriga caaradiisaba.
Inkastoo warkaas uu hadal heyn badan dhaliyey hadana ma jirin jawaab ay ka bixiyeen wadamada deris ah. Markale ayuu todobaadkan Abiy Axmad soo cusbooneysiisay dooddaas, waxaana uu sheegay in aysan suuragal ahayn in shacab ku dhow 120 milyan uu ku noolaado xabsi juquraafi oo aan lahayn wax bad ah.