Iyadoo maalmo ka hor ay iscazileen Waziirkii Gaashaandhiga iyo taliyihii maleeshiyaatka xooga ee dowlada Ridada waxaa sidoo kale iscazilay sarkaal kale oo ka tirsanaay dowlada Farmaajo.
Afhayeenkii Wazaarada Amniga dowlada Ridada ninka lagu magacaabo Axmed Muxamed Maxamuud Sayid Carab ayaa isagoo ku sugan magaalada Kismaayo ku dhawaaqay inuu iska cazilay xilkii uu ka hayay maamulka Farmaajo.
Carab ayaa iscazilaadiisa sabab uga dhigay fashil xoogan oo soo wajahay dowlada Farmaajo iyo inuusan maamulka Farmaajo daacad ka aheen magaca dowladnimada uu wato.
Afhayeenkii Wazaarada Amniga dowlada Ridada ayaa noqonayo mas,uulkii Saddexaad oo ka tirsan dowlada Ridada oo isku cazila Todobaad gudahiis taasi oo muujineysa inuu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya xubnaha dowlada Farmaajo.
Calamada.com