Wararka ka imaanaya wadanka Mareykanka ayaa sheegaya in uu si lama filaan ah isku casilay mid kamida mas’uuliyiinta sida aadka ah ugu dhow Gaalka Donald Trum madaxweynaha Cunsuriga dalka Mareykanka.
Sean Spicer oo ahaa Afhayeenkii Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay shaqadii uu ka hayay dowladda Mareykanka, Wargeyska New York Times ayaa baahiyay macluumaad ku aaddan sababta in uu isku casilay Sean Spicer oo caan ku ahaa in uu maalin walba warbaahinta uga warbixiyo shaqada maalinlaha ah ee Donald Trump.
Warbaahinta Maxalliga Mareykanka waxay sheegtay in Spicer uu ka carooday xil cusub oo Trump u magacaabay Ganacsade ay saaxiiba yihiin kaasi oo noqday madaxa isgaarsiinta iyo Warfaafinta Mareykanka.
Tan iyo markii uu Trump la wareegay maamulka Aqalka Cad ayaa xilalkii ay hayeen iska casilay mas’uuliyiin dhowr ah waxaana ugu saameyn badnaa lataliyihii dhanka amniga Qaranka Madaxweynaha Mareykanka kadib markii ay kusoo baxeen fadeexado ay kamid yihiin xiriir uu lasameeyay dowladda Ruushka xilligii doorashooyinka madaxtinimada USA.