Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara dhaliyay oo markale ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Qarax xalay fiidkii ka dhacay mid kamida xaafadaha magaalada ayaa lagu beegsaday mas’uul katirsanaa maamulka isku magacaabay ‘Jubbaland’ iyo ciidamo ilaala u ahaa.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in qaraxa uu ku dhaawacmay Max’med Khaliif oo ah agaasimaha wasaaradda Kaluumeysiga ‘Jubbaland’, wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa uu ku dhaawacmay sarkaal kale oo katirsanaa isla maamulka Axmed Madoobe.
Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ka dhacay magaalada Kismaayo.