Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka dagaal xoogan uu ka qarxay deegaanka Golangole oo qiyaastii 80km u jira degmada Guraceyl.
Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii Maleeshiyaatka Mushrikiinta ee Xabashi kalkaalka ah ay weerar ku soo qaadeen deegaanka Golangole oo ka mid ah deegaanada ay ka taliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee lagu maamulo shareecada Islaamka.
Dagaal xoogan oo ka dhacay meel u dhow deegaanka ayaa la sheegay in lagu jabiyey maleeshiyaatkii weerarka soo qaaday, islamarkaana lagu gaarsiiyey khasaare xoogan.
Sarkaal ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ku sugan Galgaduud ayaa warbaahinta u sheegay in ugu yaraan Afar ka mid ah maleeshiyaatka la dilay, tiro kalena la dhaawacay.
Qaar ka mid ah meydadka maleeshiyaatka ayaa waran goobta lagu dagaalamay ka dib markii ay ka carareen saaxiibadooda.
“Allaah fadligii waan jabinay maleeshiyaatkii Mushrikiinta ee soo weeraray deegaanka. waxaan ka dilnay Afar askari, tiro kalena waan dhaawacnay. waxay goobta kaga carareen laba askari iyo qoryahooda, waxayna dib ugu noqdeen Guraceyl iyagoo firxad ah” ayuu yiri.
Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa degan, waxaana hadda ku sugan ciidamada Mujaahidiinta.