Barqanimadii maanta, qarax aad u xoogan ayaa lala eegtay gaari ciidan oo ay la sodeen maleeshiyaat ka tirsan murtadiinta xilli uu marayey inta u dhexeysa deegaanka cabdalla biroole iyo Magaalada kismaayo, iyadoona qaraxaas uu khasaare lixaad leh gaarsiiyey maleeshiyaatka maamulka murtad Axmad madoobe ee isku magacaabay Jubaland.
Ciidamada la beegsaday ayaa watay gaari nooca Cabdi Billaha ah. Waxaana qarax u ku qabsaday wadada dheer ee isku xirta magaalada kismaayo iyo deegaankan Cabdalla biroole.
Maleeshiyaadkan ayaa ka mid ahaa kuwa caro tuurka u ah ciidanka saliibiyiinta Kenya ee fariisinka ku leh deegaanka biroole, waxaana gaariga saarnaa in ka badan 10 askari kuwaas oo kusii jeeday dhinaca magaalada kismaayo.
Saraakiisha mujaahidiinta ayaa inoo sheegay in qarax uu gabi ahaanba burburiyay gaarigii la beegsaday ayna halkaas ku bakhtiyeen in ka badan 10 ka mid ah maleeshiyaadka murtadiinta.
Wararka ayaa intaas ku daray in gaariga maanta mujaahidiinta qarax ku burburiyeen u saarnaa taliye sare oo ka tirsan maleeshiyaadka murtadiinta. Kaas oo magaciisa lagu sheegay Co: Macalin Ibraahiim wuxuuna ahaa taliye urur ka tirsan saraakiisha murtadiinta ee deegaanka Biroole.