Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Mandheera ee ka tirsan dhulka NFD ee ay saliibiyiintu xoogga kaga haystaan Soomaaliya, halkaas oo gaari ciidan looga burburiyay ciidamada saliibiyiinta Kenya.
Inta la xaqqiijiyay waxaa qaraxan lagu dilay 4 Askari oo ka tirsanaa booliska saliibiyiinta Kenya, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen 8 kale, 3 ka mida dhaawacyada saliibiyiinta Kenya ayaa la xaqiijiyay in xaaladoodu ay aad u liidato waxna looga qaban waayay magaalada Mandheera maantana lagu wado in loo qaado caasimadda Kenya ee Nayroobi, 2 kale oo ka mid ah dhaawacyada kuffaarta Kenya ayaa la xaqiijiyay inay gacmaha ka go’een.
Dhanka kale howlgal qorsheysan oo ay mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho waxay ku dileen Xasan Abuukar oo loo garan ogaa Xasan Guuleed kaas oo ka tirsanaa maleeshiyaadka sirdoonka Riddada gaar ahaan kuwa dharcadka.