Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa weerar lagu laayey tobanaan ka tirsan ciidamada Kumaandooska ee murtadiinta maalin ka fuliyey gobolka Farah ee galbeedka dalka iyadoona waxyeello xoogan la gaarsiiyey gawaari uu watay cadowga.
Saraakiil u hadlay ciidamada xukuumada Kabul ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in dagaalyahanada Taliban ay kamiin u dhigeen kolonyo ciidamo ah oo isugu jira Kumaandoos iyo Police oo doonayey in ay weeraraan degmada lagu magacaabo Bala Buluk oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Mujaahidiinta.
Saraakiishu waxay sheegeen in weerarkaas lagu dilay 10 ka mid ah ciidamada Kumaandooska, 8 ka tirsan Police-ka, sidoo kalena nolosha lagu qabtay ugu yaraan saddex askari intii lagu gudajiray dagaalka.
Abaanduuleyaal u hadlay saraakiisha ciidamada murtadiinta waxay sheegeen in qasaaraha xoogan uu yimid ka dib markii la waayey gurmad degdeg ah oo xagga cirka ah kaas oo la sugayey in muddo ah. sidoo kale Saraakiishu waxay sheegeen inaan la helin gurmad dhanka dhulka ah oo ay la dalbadeen ciidamada Police-ka ee ka dhawaa goobta lagu dagaalamay.
Weerarkan lagu xasuuqay ciidamada Kumaandooska ee murtadiinta oo lagu tilmaamo kuwa ugu qalabka iyo tababarka fiican ciidamada Amaanka ee Kabul ayaa lagu tilmaamay midkii ugu qasaaraha badnaa ee waayadan ku habsada ciidamadan uu Mareykanku soo tababaray.
Todobaadkii la soo dhaafay sidan oo kale saddex askari ayaa looga dilay islan gobolka Farah oo ay maalmahan ka wadeen howlgalo ballaaran oo ka dhan ah deegaanada ay ka taliyaan Mujaahidiinta.
Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa war ay soo saartay ku sheegtay mas’uuliyada weerarka lagu xasuuqay murtadiinta, waxayna sheegtay in howlgal uu ahaa mid qorsheysan oo lagu beegsaday kolonyo ka tirsan cadowga. War kooban oo uu ku saxiixnaa Sheikh Dabiixullaah Al-Mujaahid ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay, laguna dhaawacay 53 askari oo ka tirsan murtadiinta, laguna soo qabsaday ganiimo xoogan.
“Ciidamo ka tirsan cadowga oo yimid mandiqadda Taba Sadat ayaa la kulmay weerar xoogan, 53 askari ayaa dhismasho iyo ka noqotay, waxaana laga qabsaday agab military oo ay ku jiraan hubka iyo rasaas, qaar ayaa firxaday, qaarna gacanta ayaa lagu dhigay” ayuu yiri.
Barta Telegramka ee Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa sidoo kale faafisay muuqaal kooban oo la daawan karo ku dhawaad 2 daqiiqo oo lagu soo bandhigayo halka uu weerarku ka dhacay, Iyadoona muuqaalka lagu daawan karo raadadka ka muuqda halkii uu weerarku ka dhacay, baqtiga oo daadsan hareeraha wadada.
Amaanka gobolka Farah, gaar ahaan deegaanada uu cadowgu kaga sugan yahay gobolka waxay ku hoosjireen halis amni oo joogta ah ka dib markii mujaahidiintu kordhiyeen weerarada ka dhanka ah cadowga. Magaalada Farah oo caasimadda gobolka waxay tan iyo sanadkii 2016-kii ka mid ahayd magaalooyinka ugu badan ee ay qalqalka amni ku hayaan Mujaahidiinta.
Deegaanada ku xeeran magaaladaas waxaa gacanta ku haya ciidamada Mujaahidiinta, waxaana xilliyada qaar ay mujaahidiintu weeraro toos ah ku qaadaan xarumaha cadowga ee magaalada.
Maxamed Yoonis oo ah gudoomiye ku xigeenka gobolka Farah ayaa dhawaan TV maxali oo lagu magacaabo Tolo News u sheegay in ciidamada Amaanka ay ku guuldareysteen in mujaahidiinta laga fogeeyo caasimadda, Isagoo tilmaamay in muddo todobaadyo gudahood ah la dilay in ka badan 50 askari oo ka tirsan murtadiinta ka dib howlgalo ay Talliban ka fulisay deegaanadaasi.
Muuqaal video ah oo bishii Oct. ee sanadkii 2017 ay baahisay Imaarada Islaamiga Afghanistan, lagana soo qaaday gobolka Farah ayaa muujinayey boqolaal ciidamo mujaahidiin ah oo dhoola-tus military ku sameynayey deegaano u dhow caasimadda, iyagoo aanan ka walwalsaneen wax weeraro ah oo kaga yimaada cadowga.