Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa caawa maqribkii howlgal ballaaran ku beegsaday xarumaha iyo isku imaatinada murtadiinta ee ku yaalla goobaha aadka loo ilaaliyo ee magaalada Muqdiso sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta.
Howlgalkan ayaa ka socda laga soo bilaabo Xarunta Habar Khadiijo, Hotelka Doorabin ilaa Madaxtooyada, Waxayna isugu jiraan camaliyaat istish-haadi ah iyo weeraro xoog ku gal ah oo ay qaadeen ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta.
Saraakiisha Mujaahidiinta ayaa noo xaqiijiyey in Camaliyaat Istish-haadi ah lagu daahfuray weerarka kuwaas oo beegsaday xarumo gaar ah ka dibna ay ciidamada mujaahidiinta ku faafeen xarumaha cadowga.
Mid ka mid ah camaliyaatka waxaa lagu beegsaday Hotelka lagu magacaabo Dorabin ee ku dhow Xarunta Sirdoonka murtadiinta ee Habar-Khadiijo halkaas oo ay ku caweynayeen saraakiisha iyo madaxda Murtadiinta, Waxaana ka dhashay qasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Aagga uu howlgalka ku socda waxaa ku yaalla xarumo muhiim ah oo ay ku jirto madaxtooyada kooxda ridada, xarunta hay’adda sirdoonka iyo Hotello ay dagan yihiin madaxda murtadiinta.
Howlgalka ayaa weli ka socda agagaarka madaxtooyada iyo xarumaha ku hareereysan, waxayna ciidamada Mujaahidiintu adeegsanayaan hubka boobayaasha ah, bambooyin iyo Garneelada garbaha laga rido.
“Howlgalka weli wuu socda, Waxaan jira qasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Mujaahidiinta oo la hadlay idaacadda Islaamiga Andalus.
Howlgalkan wuxuu noqonayaa midkii ugu ballaarnaa ee waayadan ka dhaca magaalada Muqdisho ee lagu beegsado xarumaha aad loo ilaaliyo ee caasimadda.
Xigasho Idaacada Islaamiga Andalus.
Calamada.com
Allah ha guuleeyo mujaahidiinta, cadawgana Allah haku cadaabo gacmohooda.
Allaahu Akbar