Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka Qaayow oo dhaca duleedka degmada Raamo ee gobolka Mandheera ee qaybta ka ah dhulalka muslimiinta NFD, ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya.
Weerarka oo ahaa mid xooggan waxaa deegaankaas lagula beegsaday ciidamada loogu yeero Anti-Terrorism Police Unit (ATPU), waxay saraakiisha ciiidamada mujaahidiintu xaqiijiyeen in weerarkaas Allaah fadligii lagu dilay 8 xubnood oo isugu jira saraakiil iyo askar.
Dhanka Bakool waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus ku qaadeen xerada ciidamada kuffaarta xabashida Itoobiya ee degmada Xudur, waxaa halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.