Ciidamada Mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodon waxay ku khaarajiyeen Gaashaanlle Axmed Diire Cadow oo ahaa taliyihii zaadka guutada 6aad ee qeybta 12aad ee maleeshiyaatka kooxda Riddada Soomaaliya.
Dhanka duleedka deegaanka Al-kowthar ee wilaayada Sh/dhexe waxaa ka dhacay dagaallo culus oo dhowr jeer lagu jabiyay maleeshiyaatka Baangaraafta Riddada, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalladaas lagu dilay ugu yaraan 2 askari oo murtadiin ah.
Mujaahidiintu waxay sidoo kale dagaalladan ku dhaawaceen 3 askari oo uu ku jiray sarkaal lagu magacaabo Axmed Sangaab kaasi oo uu soo gaaray dhaawac halis ah.
Dhanka Sh/hoose waxay ciidamada Mujaahidiintu dagaallo culus ku qaadeen fariisimaha maleeshiyaadka Riddada ee Haanta dheer iyo Mukayga ee gudaha degmada Afgooye, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.