Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay golaha Shuurada Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan ayey Imaaradu ku shaacisay Xamlo dagaaleed cusub oo xilliga Gu’ga oo ah xamlo sanad walbo Imaarada ay ku dhawaaqdo.
Xamlo dagaaleedkan cusub ayeey Imaarada ugu magacdartay Al-mansuuriyah oo loo nisbeeyay Amiirkii Shahiiday ee Imaarada Islaamiga Afghanistan Allaah Shahaadadiisa haka aqbalo Amiirul Mu’miniin Sheekh Mullah Akhtar Mansuur oo ku shihiiday duqeyn sanad ka hor diyaaradaha Nasaarada Mareykanka ay ka geysteen dalkaasi.
Imaarada ayaa xustay in Xamladaan wax badan ay ka duwanaandoonta Xamlo dagaaleedyadii kal hore ay ku dhawaaqday Imaarada’iyadoona xamladaan ay ka koobnaandoonta Labo garab.
Garabka Kowaad ayaa ah mid Dacwo diineed ah iyo adeegyada bulshada oo laga sameynayo magaalooyinkii degmooyinkii iyo deegaanadii laga xureeyay Cadowga intii lagu guda jiray xamlo dagaaleedkii shalay soo gaba gabowday ee Al-cumariyah.
Garabka Labaad ayaa ah mid Caskari oo isugu jira Kudhoo Ka Dhaqaaq’Camaliyaad Istish-haadi ah iyo weerarIqtixaam iyo xoog ku gal ah oo lala beegsanayo xarumaha maamulka dowlada daba dhilifka Afghanistan iyo kuwa gaalada NATO ee ku yaala gudaha dalkaasi.
Bayaanka aya gaba gabadii waxaa baaq loogu diray shacabka Muslimka Afghanistan waxaana loogu baaqay iney ka fogaadaan xarumaha cadowga iyo Shaqsiyaatka bartilmaameedka ah ee ka tirsan maamulka daba dhilifka Kaabul iyo kuwa gaalada NATO si aysan dadka shacabka waxyeelo uga soo gaarin weerarada ay fulinayaan Mujaahidiinta.
Maalintii shalay waxaa soo gaba gabowday xamlo dagaaleedkii Al-cumariyah oo sanadkii lasoo dhaafay ka socotay dalka Afghanistan taasi oo loo nisbeeyay Aas aasihii Imaarada Islaamiga Amiirul Mu’miniin Mullah Muxamed Cumar Raximahullah’iyadoona ay xusid mudantahay in xamladaasi Allaah mahadiisa lagu xureeyay dhulal badan oo Afghanistan ka tirsan’sidoo kale waxaa khasaara culus oo naf iyo maalin isugu jirta lagu gaarsiiyay gaalada NATO iyo kuwa daba dhilifka dalkaasi.
Halkan Ka AKhriso Bayaanka Imaarada Islaamiga Afghanistan.
Calamada.com
mashaalah
allaha barakeyo walalahen mujahidiinta caalamka melkisto ay joogaan