Masaafada u dhaxaysa magaalooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb waa 90 KM, haddii aad doonayso in aad labada magaalo isaga kala gooshtid oo aad wadatid gaari socodkiisu yahay meel dhaxaad waxay kugu qaadanaysaa wax aan ka badneyn sedax saacadood illaa iyo Afar Saacadood.
Ciidamadii Kufaarta Xabashida Itoobiya ee isbuucii lasoo dhaafay isaga baxay degmada Ceelbuur ayuu imtixaan adag ku qabsaday wadada dheer ee xiriirisa labada magaalo ee Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.
Itoobiyaanka ayay ku qaadatay in siddeed maalmood oo xiriir ah ay ku maraan waddo saacado kooban laysaga kala goosho.
Kumanaan katirsan melleteriga Itoobiya ayaa 90 KM ku lugeynayay sideed Maalmood kadib markii ay weeraro dhabagal isdaba joog ah kala kulmeen ciidamada Xarakada Al Shabaab dabayaaqadii bishii Maarso.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in lugtii ciidamada Itoobiya ay ka bilaabeen Ceelbuur ay ku tageen Dhuusamareeb, Xabashida ayaa watay ku dhawaad 200 oo gaari balse gaadiidkaasi waxay u socdeen sida qof bani’aadam oo kale mana loo ogoleyn askartu in ay fuulaan gaadiidka.
Saraakiisha Xabashida ayaa ciidankooda ku amray in ay hareer lugeeyaan gaadiidka oo si gaabis ah lagu kaxaynayay,wararku waxay sheegayaan in ciidanka Itoobiya ay ka baqayeen weeraro laayaan ah oo uga yimaad ciidamada Al Shabaab arrinkaas oo ku qasbay in ay lugeeyaan.
Askarta oo daallan ayaa gelinkii hore ee maalintii shalay oo Isniin aheed wuxuu habqankoodu gaaray garoonka diyaaradaha Macmalka Dhuusamareeb halkaas oo saldhig melleteri ay ku leeyihiin waxaana la filayaa in ay ugasii gudbaan dhanka dalka Itoobiya.
03-04-2017 ayay Itoobiyaanku socod ka bilaabeen Ceelbuur waxayna Dhuusamareeb gaareen 09-4-2017 sideed maalmood xiriir ah ayay ku lugeynayeen dhul bahgooye kuleyl badan.
Maalintii ugu horraysay ee socodkooda ayuu qarax xooggan ku qabsaday tuulada Ceelqooxle oo qiyaastii 25 KM ujirta magaalada Ceelbuur wixii maalinkaas ka dambeeyay wax weerar ah ma qabsan sidaas oo ay tahay waxay wajahayeen cabsi iyo wadna kurkur.
Intii ay ku socdaalayeen dhulka ay degto Beesha Ansaarta ah ee Maxamuud Hiraab ayay ku dhiiran waayeen si nabad ah ku socdaalaan, dad ku sugan magaalada Dhuusamareeb waxay sheegeen in ciidamada Itoobiya markii ay gaareen magaalada ay dabaal degyo iyo qeyllo dhaan bilaabeen waxayna muujinayeen farxad iyo in ay ka baxeen Jaxiimada dagaalka.
Dhawaqa Music nuuca Itoobiyaanku caanka ku yihiin iyo halku dhigyo farxadeed ayaa xalay laga maqlayay saldhigga ciidanka Itoobiya ee degmada Dhuusamareeb waxayna umuuqdeen kuwa naqasku kasoo fuqay maadaama ay ka fogaadeen furinta dagaalka balse lagama harin oo waxaa dhici karta in marwalba gacanta mujaahidiintu gaarto maadaama ay wali ku suganyihiin dhulalka muslimiinta soomaalida.
Ciidamadii Itoobiya ee Ceelbuur ka firxaday ayaa joogitaanka magaaladaas u arkayay ciqaab adag markii ay baxeena waxayba moodeen in lagasoo daayay xabsi dusha sare ka feydan.
Falanqeeyayaasha Melleteriga waxay sheegayaan in Xabashida kusoo duushay Soomaaliya gaar ahaan Galguduud ay la kulmeen dhiig bax joogta ah iyo dagaalka dhanka Nafsaaniga ah kadib markii lagu go’doomiyay magaalooyinkii ay qabsadeen islamarkaana lagu cidleeyay oo shacabkii deganaa ay isaga firxadeen.
Waxaa usii dheer weerarada joogtada ah iyo saadka oo aan dhulka usoo mari Karin in ay diyaarado adeegsadaan mooyaane taasi oo ugu dambeyntii ku qasabtay Xabashida Itoobiya iney gabi ahaan isaga cararto degmooyinkii iyo deegaanadii ay kaga soo duushay wilaayada Islaamiga Galgaduud ee lagu maamulayay ku dhaqanka Shareecada Islaamka.