Ciidamada guutada qaraxyada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Galgaduud, waxay howlgallo qaraxyo ka fuliyeen duleedka deegaanka Masagawaay, halkaas oo Allaah fadligiis lagu dilay dhowr askari kuwa kalena lagu dhaawacay.
Qaraxa koowaad ayaa lagu beegsaday isbaaro maleshiyaadka Riddada u tiillay duleedka magaalada Masagawaay, waxaana halkaasi lagu dilay laba askari oo murtadiin ah, haka sidoo kalana laga soo qaniimeystay 2 qori oo ay wateen.
Waxaan helnay magacyada labada askari ee lagu dilay howlgalkan qaraxa ah, kuwaas oo kala ahaa, Abshir Ibraahim Xasan Xuurshow iyo Cabdullaahi Ibraahim Xasan Xuurshow, waxaa xusid mudan in labadan askari ee qaraxa lagu dilay ay ahaayeen walaalo.
Howlgal qarax ah oo kale ayay ciidamada mujaahidiintu galabta ka fuliyeen duleedka magaalada Masagawaay, kaasi oo lala eegtay maleeshiyaad murtadiin ah, waxaana ku dhintay laba askari, halka ay ku dhaawacmeen laba kale oo mid ka mid ah uu yahay garaab.
Dhanka Baay, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qarax ah ka fuliyeen magaalada Baydhaba gaar ahaan xaafada Dugaandug, kaasi oo lala beegsaday maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa halkaasi, khasaare murtadiinta gaaray ayaana jira.