Xukun Xadu-Rido ah ayaa ka dhacay fagaare weyn oo ku yaalla degmada Xagar oo ka tirsan Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka Ee Konfurta Dalka Somalia.
Ragga la dilay oo ay tiradoodu dhammayd 5 nin ayaa waxaa ku cadaatay iney Basaas u ahaayeen shisheeyaha sida ay sheegtay maxkamadda islaamiga ah.
Shantoodaba waxaa lagu xukumay dil toogasho ah waxaana ay u kala shaqeynayeen shisheeye kala duwan iyadoo qaarkood ay ku lug lahaayeen dad muslimiin ah oo duqeymo lagu dilay.
MAGACYADOODA IYO DHINACYADII AY U SHAQEYNAYEEN
- Cusmaan Cabdulle Cabdullaahi (Buulle) wuxuu ahaa 59 jir basaas u ahaa (Bankaraf)
- Cabdi Kariin Muumin Axmad wuxuu ahaa 48 jir wax u basaasayay BS ama Sirdoonka DF.
- Xassan Barre Isaaq (Jiir Barrow) wuxuu ahaa 35 jir basaas u ahaa dowladda Kenya.
- Cumar Xassan Axmad (Cumar Cuuke) wuxuu ahaa 33 jir basaas u ahaa CIA-da Mareykanka.
- Axmad Cabdullaahi Warsame, wuxuu ahaa 24 jir wuxuuna basaas u ahaa CIA-da Mareykanka.