Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar cagmarin ah oo saaka ciidamo ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Goofgaduud-buurey ee dhaca duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Weerarka oo lagu dilay 10 askari sidoo kalena lagu dhaawacay 13 kale, ayaana henlay magacyada qaar ka mid ah saraakiisha dhimashada iyo dhaawaca ku noqday weerarkan barakaysan ee saaka cagta lagu mariyay murtadiintii ku sugnayd deegaanka Goofgaduud-buurey.
Saraakiisha weerarkaasi lagu dilay waxaa ka mid ahaa, 1-Maxamed Katin, kaasi oo ahaa taliyihii maleeshiyaaada Riddada ee deegaanka Goof-gaduud Buurey, 2-Cabdi Shukri oo ahaa gudoomiyihii waxey murtadiinta ugu yeeraan arimaha Bulshada ee maamulka murtadiinta ugu magacownaa deegaanka Goof-gaduud Buurey iyo 3-Axmed Dhagey oo ah Taliyaha ururka 47-aad guutada 8-aad ee maleeshiyaadka murtadiinta, kaasi oo la xaqiijiyay in uu dhaawac soo gaaray.
Askar nool ayay mujaahidiintu gacanta ku dhigeen intii uu howlgalku socday, waxay sidoo kale soo qaniimeysteen hub badan oo isugu jira qoryaha K47 ah, PKM-yo iyo RPG-yo.