Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalladii murtadiinta lagu laayay ee saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka deegaanka Buulo-xaaji ee hoostaga magaalada Kismaayo ee wilaayada Jubbada hoose.
Dhimashada dagaalladan ka dhacay duleedka Buulo-xaaji waxa uu taliska ciidanka mujaahidiinta xaqiijiyay 31 isugu jira saraakiil iyo askar murtadiin ah, waxaana helnay magacyada qaar ka mid ah saraakiisha Riddada ee dhimashada iyo dhaawaca ku noqday dagaalladan.
Saraakiisha dagaalladan lagu dilay waxaa ka mid ahaa Bishaar, oo ahaa taliye Urur iyo sidoo kale ku xigeenkiisii, kuwaas oo goobta dagaalka lagu dilay, sarkaalka saddexaad waxa uu ahaa Axmed oo ahaa Taliye Urur.
Sidoo kale, waxaa dagaalladan ku dhaawacmay 17 murtad oo ay ku jiraan laba sarkaal oo kala ah 1-Cabdi Kaafi oo ah taliyaha maleeshiyaadka Riddada ee Buulo xaaji ku sagan 2-Bashiir oo ah taliye ku xigeenka maleeshiyaadka Buulo Xaaji ku sugan.
Dhanka Hiiraan, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus ku qaadeen xerada ciidamada Riddada Jabuuti ay ka degganyihiin degmada Jalalaqsi, waxaa halkaas ka dhacay dagaal culus oo in muddo ah socday.
Dhanka Mandheerana, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal xoogan ku qaadeen xerada ciidanka saliibiyiinta Kenya ee deegaanka Dhamase ee hoostaga degmada Lafeey ee gobalka Mandheera, oo ka mid ah dhulalka muslimiinta ee ku hoos jira gumeysiga kuffaarta Kenya.