Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubayda ayaa jeediyay kalimad la dhagaysan karo mudo 45 daqiiqo ah, kaas uu kaga hadlay damaca nasaarada xabashida ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan Badda Soomaaliya.
Sheekha ayaa fariin guud udiray muslimiinta ku nool geeska qaarada Afrika, wuxuuna ugu baaqay in ay umidoobaan sidii la isaga dhicin lahaa cadowgaas, oo hadafka uu leeyahay ay tahay in uu dumiyo kacbada sida uu inoo sheegay nabiga “Salallaahu Calayhi Wasalam”.
Qeybta hore ee kalimada ayuu sheekhu ku ifitiimiyay halka uu salka ku haayo dagaalka lagula jiro xabashida, waxa uuna yiri :
“Dagaalka Itoobiya ee ka dhanka umada muslimka ah ee Soomaaliyeed,ma ahan mid ku saleysan khilaaf Siyaasadeed ama dagaal qowmiyado.waa dagaal ka fac weyn saban sabankii iyo qadiyadda Soomaali Galbeed iyo xitaa dagaaladii Axmed Gureey.
Waxa aan maanta Itoobiya isku hayno waa dagaal diimeed oo salka ku hayo kalimada towxiidka ee laa ilaaha Illallaah.waa loolan u dhexeeya iimaanka iyo kufriga,kitaabka iyo beebalka,masjidka iyo kaniisada.Gumeysiga xabashida iyo duullaankooda diinladirirka ah waa mid ay soo abaabulayaan waligoodna abaabuli jireen baadirayaasha Orthodox -ka ,tan iyo xilligii Abraha Waxaan ognahay in boqortooyadii Aksum ee Abiy Axmed maanta u daliishanayo, lahaanshaha badda cas inay tahay isla boqortooyadii uu madaxa ka aha abrahaga kacbada ku duulay, sanadkii caamul fiil bicthadii Nabi Maxamed Sallallahu Calayhi Wasallam.
Waxaan ognahay in sanadkii sagaalaad ee hijriga ay xabashidu ku duuleen magaalada xeebta ah ee Jidda. Suubanaha Sallallahu calayhi wasallam ayaa kala hortagay sariyo ciidan ah, oo uu hoggaaminayey Saxaabiga Calqamata Al-Madlaji. Waxaan ognahay in asbaabta ku riixaysa nasaarada Xabashida iney damcaan dekedaha Soomaaliya ay ka mid tahay gogol xaarid iyo diyaargarow ay ugu jiraan sida ay ugu duli lahaayeen kacbada barakeysan iyo qiblada muslimiinta,Sida uu Nabiga Sallallahu Calayhi i Wasallam inoo sheegay
عن أبي هريرة رضي الله عنه، عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: يخرب الكعبة ذو السويقتين من الحبشة
Sidoo kale Waxaa lagama maarmaan ah in umadda muslimka ay ogaadaan in siyaasadda dhul ballaarsiga ee Itoobiya iyo boobka badda Soomaaliyeed ay tahay,arrin ka mid ah caqiidada nasaarada Xabashida kuna xusun kutubta Kiristaanka ay aaminsan yihiin. kitaabka lagu magacaabo Kebra Nagast waa kitaab tatodobo boqol oo sano ka hor la qoray,kuna qoran afka amxaariga,ahna marjca diimeed ee haga go-aamada madaxda Itoobiya iyo siyaasaddooda ilaa maantadan, isaga oo qayaxaya xuduuda Itoobiya waxaa Kebra Nagast ku qoran: in laga soo bilaabo bartamaha Qudus ilaa badda Hindiya iyo ka shishe ay dhammaan ka midyihiin boqortooyada Xabashida.
iyagoo milicsanaya beebalkooda iyo beenta ay u meerinayaan baadirayaashooda ,waxay boqorada Xabashida ee is xigxigay siyaasad rasmi ah ka dhigteen la dagaalanka islaamka iyo inay isku fidiyaan gobollada xeebta ee ay muslimiinta degaan”.
MUXUU KU JIRAA XALKA ?
Intaas kadib Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubayda ayaa soo gudbinaya xalka looga bixi karo gumaysiga la isagana difaaci karo nasaarada xabashida, bulshada Soomaaliyeed ayuuna ugu baaqay in ay ku mdoobaan kitaabka Allaah,waxa uuna yiri :
“Hadaba maanta inagoo og in xukuumada saliibiyada Itoobiya ay ku jirto diyaargarowgii ugu dambeeyay si ay uga dhabayso qorshaheeda ku aadan qabsashada xeebaha Soomaaliya,maxaa la gudboon ummada Soomaaliyeed? sideesa looga hortaga karaa damaceeda gurracan ?Allaah subxaanahu watacaala waxa uu yiri :
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَابْتَغُوا إِلَيْهِ الْوَسِيلَةَ وَجَاهِدُوا فِي سَبِيلِهِ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ
waa inaan la imaanaa towxiid sax ah iyo iimaan raasikh ah. Waa inaan Allaha ka cabsanaa una hoggaansanaa amarkiisa. Waa inaan Allaha ugu tawasullnaa camal Saalix ah oo aan guushiisa ku mutaysanno. Midda ugu dambeysana waa inaan Allaah jidkiisa ku jihaadnaa,cadowgana dagaal iyo hub kala hortagnaa.
Arrinta labaad ee aan uga guuleysan karno salibiyiinta Xabashida ,waa inaan ku midowno kitaabka Allaah si wadajir ahna aan xagiisa u qabsannaa ,aanna ka fogaanaa kala qeybsanaanta ,qabyaaladda,Qawmiyadda. Allaahu subxanahu watacaalaa wuxuu yiri:
وَاعْتَصِمُوا بِحَبْلِ اللَّهِ جَمِيعًا وَلَا تَفَرَّقُوا ۚ وَاذْكُرُوا نِعْمَتَ اللَّهِ عَلَيْكُمْ إِذْ كُنتُمْ أَعْدَاءً فَأَلَّفَ بَيْنَ قُلُوبِكُمْ فَأَصْبَحْتُم بِنِعْمَتِهِ إِخْوَانًا وَكُنتُمْ عَلَىٰ شَفَا حُفْرَةٍ مِّنَ النَّارِ فَأَنقَذَكُم مِّنْهَا ۗ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ اللَّهُ لَكُمْ آيَاتِهِ لَعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ
Cabsida ugu weyn ee maanta Itoobiya haysataa, waa in muslimiinta bariga Afrika ku dhaqan ay isu tagaan diintana ku midoobaan,
taas ayaana keentay inay geed dheer iyo mid gaaban u fuusho sidii ay isaga horkeeni lahayd qabaa-ilka muslimka ah ee deggan geeska Afrika.Hadii aan tusaale usoo qaadanno dagaalada udhaxeeya qowmiyadaha walaalaha ah ee Soomaalid iyo Canfarta iyo Oromada ,waa mid ay Itoobiya hurineyso dhaqaalle iyo hubna ku bixineyso,iyada ayaana ka dambeysa dagaal beeleedyada ka aloolsan dalka iyo xitaa khilaafka u dhexeeyo maamulada ridada,waana siyaasad ku saleysan falsafaddii Ma-kafeyle ee ahayd “QEYBI OO XUKUN”.
Arinta saddexaad ee aan uga guuleysan karno damaca xabashida Itoobiya waa in xukunka laga rido maamulada Ridada ee caadeystay inay dabadhilif u noqdaan xabashida danaheedana u fuliyaan. madaxda ridada waa kuwa shalay Itoobiya kusoo dhaweeyay Xamar iyo Baydhabo ,waa kuwa Garoowe iyo Hargeysa calanka Itoobiya ugu dabaal degaya.
Waa kuwa Soomaali Galbeed u aqoonsaday inay Itoobiya ka mid tahay Jigjigana kula dhaanteeyay. Waa kuwa dekedaha Soomaaliyeed iyo ilaha dhaqaalaha Itoobiya gacanta ka saaray,waana munaafiqiin Sida jirjiroolaha marba midab isu roga,iyagoo maslaxadooda fiirsanaya. Xasan murtadka maanta afka xoorka ka kicinaya ee ku dooday inuu xabashidu necb yahay,waa ninkii awooddiisa isugu geeyey sidii xabashida loogu biirin lahaa isbaheysiga Midowga Afrika 2013-kii , xilli nasaarrada Xabashidu dhaqaalle xumo ba’an la daalla dhacaysay”.
FARIIN KUSOCOTA MUSLIMIINTA BARIGA-AFRIKA .
Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa kalimadiisa waxa uu fariin ugu diray muslimiinta ku nool geeska qaarada Afrika, si gaar ah dhalinyarada , isagoo ugu baaqay in ay garab istaagaan mujaahidiinta, una hub qaataan sidii la isaga difaaci lahaa cadowga.
“Haddaba Waxaan halkan ugu baaqaynaa dhammaan muslimiinta gobolka ku nool,gaar ahaan dhalinyarada iyo qabaa-ilka muslimka ah, waxaan ugu yeeraynaa Allaah dartiis iyo inaan ammaanada idinka gudano , waxaan dhammaantood ugu baaqaynaa inay kusoo biiraan safka mujaahidiinta, ayna nagu garabsiiyaan difaacidda diinta iyo dalka iyo hantida umada muslimka ah ee ku sugan bariga Afrika.
Waxaan kula dardaarmaynaa inay dib u milacsadaan taariikhda awayaashooda iyo sooyaalka cizziga,sharafta iyo jihaadka ku dheehan ee illaa hadda Itoobiyaanka maskaxdooda ka go’i la’dahay .Taariikhdaas iftiimysa,ee ay maanta ku faanaan muslimiinta bariga Afrika, kuma aysan imaan wadahadallo iyo diblumaasiyad, kuma aysan imaan tuugsi iyo gacmo hoorsi gaallo. Balse waxay awoowasyasheen shalay isaga difaacan duullaanada Saliibiyiinta xabashida, waxay ahayd imaan sugan, isku duubni ,ducada allaah iyo inay cuskadaan caarradda warankooda.
Walaallayaal arrinta maanta la isku haysto way kaweyn tahay Al-Shabaab ama urur ama qabiil ama gobol, waxay salibiyiinta xabashidu u gol leeyihiina waa diinteena iyo jiritaankeenna,mana jiro xal kale oo lagu xoreyn karo dalka loogana hortagi karo damaca xabashida Itoobiya oo aan ka ahayn xalka Allaa tabaaraka watacaala noo sheegay ee ah Al-jihaadu Fii Sabiilillaah, Allaah Waxa uu yiri :
إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الَّذِينَ يُقَاتِلُونَ فِي سَبِيلِهِ صَفًّا كَأَنَّهُم بُنْيَانٌ مَّرْصُوصٌ
Xal kasta oo aan jihaadka ahayn ,wuxuu ku dambeyn doonnaa quus iyo qoomamo.waxaana tusaale waaqici ah inoogu filan madaxda ridada iyo natiijada ay ka gaareen waxay ugu yeeraan diblomaasiyadda,si kastoo oo ay murtadiintan dunida dacaladeeda u wareegeen ayna isku dayeen inay diblomaasiyad iyo wadahadal iyo tanaasul la yimaadaan, haddana halista Itoobiya weli way taagan tahay , wayna kasii dareysaa. Sidaa awgeed,waxaan muslimiinta ugu digaynaa inay ku katsoomaan xal kasta oo aanan ku imaanin kitaabka iyo sunnada Nabiga “Sallallahu Calayhi Wasallam”,
FARIIN KUSOCOTA MUJAAHIDIINTA.
Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubayda ayaa waxa uu sidookale fariin muhiim ah udiray mujaahidiinta, isaga oo ku bogaadiyay halaganka ay ugu jiraan sara yeelida kallimada Allaah iyo sidii dhulka looga xureyn lahaa cadowga.
Wuxuu ku dhiirigaliyay dadaalkooda, waxa uuna amiirku sheegay in ay mujaahidiinta jihaadka sii wadayaan ilaa dhulalka muslimiinta laga xureeyo cadowga, lagana hirgaliyo shareecada islaamka:
“Waxaan Sidoo kale halkaan ka bogaadinayaa halyeeyada mujaahidiinta meel kasta oo ay joogaan iyo shaqo kastoo ay hayaanba, walaalayaal waxaad ogaataan Allaah kadib Inaad maanta tihiin rajada umadda iyo damalka ay dugaashanayso, waxaad tihiin dadka laga sugayo inay dalka xoreeyaan shareecada Allahna kusoo dabbaalaan. Waxaa gurmad iyo gargaar idinka sugayo walaaleheenna muslimiinta ee xabsiyada ku jira iyo gabdhaha muslimaatka ee cirdigooda iyo sharaftooda lagu xadgudbayo ,Waxaa hiillo iyo garab idinka sugaya malaayiinta muslimiinta ah ee ku hoos nool guumaysiga saliibiyiinta Xabashida,kuwaas oo ku celcelinaya
رَبَّنَا أَخْرِجْنَا مِنْ هَٰذِهِ الْقَرْيَةِ الظَّالِمِ أَهْلُهَا وَاجْعَل لَّنَا مِن لَّدُنكَ وَلِيًّا وَاجْعَل لَّنَا مِن لَّدُنكَ نَصِيرًا
Waxaa maanta dusha idinka saaran waa mas-uuliyad weyn,hadafkeenuna maahan kaliya inaan Itoobiya ama saliibiyiinta dalka ka xoreyno,balse waa inaan shareecada Allaah hirgalino,diintiisana kor u qaadno,dhulalka islaamkana xoreyno aanna soo celino sharaftii iyo cizzigii muslimiinta ay lahaayeen.
Waxaa loogou yeero Itoobiya waxay ahaan jirtay qalcadd islaamka ka taliyo boqolaal sano , laga soo bilaabo xuduuda Suudaan iyo Eritrea ilaa magaalada Gondar iyo Addis Ababa, Waxaa ka taagnaa saldanado islaami ah oo boqolaal sano ka talinayay xili ay maanta xabashidu baadda iyo gibirka ka qaado muslimiinta ,awoowayaasheena ayaa iyaga ka qaadi jiray jizyada iyaga oo duleysan. Dadka laga sugayo inay soo celiyaan cizigaasi waa idinka. dagaalkuna waa bilow, kow iyo labo ma joogo, ballanteennana waa Qudus Inshaa -Allahhu tacaalaa.” ayuu kalimadiisa kusoo gabagabeeyay amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.